Inka badan 100 askari oo ka tirsanaa maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland ayaa maanta markale la sheegay inay iska dhiibeen Raas-kambooni oo ah magaalo ka tirsan Jubbada hoose, gacantana ay ku hayaan maleeshiyada Gurguurte.
Maleeshiyada maanta is dhiibay ayaa lasoo wariyay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada maamulka Riddada Jubbaland kaga sugan deegaanka Buur-gaabo, sarkaal u hadlay ayaa xaqiijiyay inay isku dhiibeen maleeshiyada Gurguurte ee ku sugan Raaskambooni.
Waxay tani ka dhigan tahay in saacadihii lasoo dhaafay oo kaliya ay maamulka Axmed Madoobe ka goosteen inka badan 200 oo askari kumana sii jiraan maleeshiyaadka kale ee maamulkaasi horay uga goostay, kooxda Riddaduna u qaaday dhanka Muqdisho.
Markii la shaaciyay in maleeshiyadaasi isku dhiibeen kooxda Riddada, ayaa lasoo wariyay in Axmed Madoobe uu gooyay isgaarsiinta deegaannada ay ka mid tahay Raaskambooni, waxaana halkaa laga filan karaa isku dhacyo hubeysan oo dhexmara maleeshiyada Riddada ah ee labada maamul ee kala fadhiya Kismaayo iyo Muqdisho.