Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Somalia, waxay howlgal qorshaysan ka fuliyeen agagaarka xeradii ay ka guureen murtadiinta Jabuuti ee galbeedka magaalada Beledweyne, waxaana howlgalkan lagu dhaawacay askari murtad ah kaasoo dhaawiciisa yahay mid garaab ah.
Dhanka Gedo, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen xarunta maleeshiyada nabadsugidda murtadiinta ee degmada Baardheere, waxaana jira khasaare kala duwan oo Riddada lagu gaarsiiyay qaraxaas.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidanka mujaahidiintu weerar culus oo dagaal toos ah ku mireen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay kaga suganyihiin degmada Jannaale, dagaal culus oo u dhaxeeyay Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa halkaas ka dhacay.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerareen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye, waxayna weeraradaasi dhinac socdeen dagaalka mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigga Riddada ee degmada Jannaale.