Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil xooggan oo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ku geeriyoodeen laba xubnood oo Soomaali ah.
Shilka oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay Cabdullaahi Muraar oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee sida wayn looga yaqiin dalka Koonfur Afrika iyo xaaskiisa oo xaamilo aheyd.
Shilka oo ahaa mid gaari ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Cathcart ee dhaca dukeedka magalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape, waxaana lagu Aasay qabuuraha muslimiinta ee magaladaasi.
20-ka bishii lasoo dhaafay ee November ayay ahayd markii shil baabuur oo ka dhacay duleedka degmada Delmas ee waddankaasi uu ku dhintay nin si wayn looga yaqiinay gudaha dalkaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mustafe Maxamed Dhaqane, loona garan ogaa ”Dhuudhi”.