Xilli saacadihii lasoo dhaafay baarlamaanka Kooxda Riddada Soomaaliya uu ansxiyay guddiga waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod , ayaa waxaa arintaasi kasoo horjeeda maamulka Riddada Jubbaland, Axmad Madoobe ayaana ku dhawaaqay in uu qabsanayo doorasho u gaar ah uusane aqbali doonin hindisaha uu wado Xassan Gurguurte ee ugu magacdaray Qof iyo Cod.
Guddiga doorashooyinka maamulka isugu yeeray jubbaland ayaa soo saaray jadwal doorasho, taas oo lagu soo dooranayo xildhibaannada dawaaqiidda ah ee maamulkaas iyo hoggaanka maamulka Jubbaland.
Doorasha gaaleedkaasi ayaa la qorsheeyay in ay Kismaayo ka dhacdo inta u dhaxaysa 18-ka ilaa 25-ka bishaan Noofambar.
Bishii lasoo dhaafay Agoosto ayuu hoggaamiyaha maamulka isugu yeeray Jubaland murtad Axmad Madoobe isaga baxay shir magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaanka kooxda Ridada, kaas oo lagu qaatay go’aan ah in la qabto waxay ugu yeereen doorasho qof iyo cod .