Madaxweynihii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Riddada, murtad Xasan Cali Khayre ayaa ka hor ansixin ay sameeyeen xubnaha golaha dawaaqiidda ee kooxda Gurguurte.
Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu bogiisa ku daabacay ku sheegay in uu sharci-darro ah go’aanka baarlamaanka daaquudka ah ee Riddada ku ansixiyeen qorshaha doorasho ee uu wato murtad xassan Sheekh Maxamuud.
Guddiyada doorasho ee baarlamaanka kooxda Riddadu ansixiyay ayuu Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa dano gaar ah laga leeyahay, in uusan aqoonsanayn ayuu sheegay, waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay inay isku milmeen golaha wasiirada kooxda Ridada Somalia iyo golaha dawaaqiidda, taasi oo keentay buu yiri in baarlamaanka daaquudka ah uu kala qaybsamo, xildhibaanaduna laba dhinac u kala jabaan.
Murtad Xasan Cali Khayre oo soo noqday ra’iisul wasaaraha Riddada xilligii murtad Farmaajo ayaa isagana si wayn uga hor-yimid guddiyada doorasho ee baarlamaanka Riddadu ansixiya, isaga oo guddigyadaas la magacaabay ku tilmaamay kuwa dano gaar ah laga leeyahay.
Wuxuu sheegay in uusan shaqeyn doonin guddiyada iyo shuruucda uu samaystay murtad Xassan Gurguurte, qorshahan ayuu sheegay in uu sii kala fogeeyay siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda Riddada ah.
Khilaafka ka dhex aloosan madaxda kooxda Riddada Somalia iyo kuwii hore ayaa maalmahan dambe sii xoogeysanaya, waxaa sidoo kale taasi usii dheer madaxda kooxda Riddada ah xiisadaha siyaasadeed ee kaga furan dhanka qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Riddada ah ee dalka jira, Jubbaland iyo Puntland ayaana si rasmi ah uga baxay shirarka kala dhaxeeyay madaxda dowladda Riddada, shaaciyayna inay jareen cilaaqaadkii kala dhaxeeyay.