Gaadiid ay wateen maleeshiyaadka murtadiinta ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalgacyo ee koonfurta iyo bartamaha Somalia ku kala dilay dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ay si bareer ah u jiireen.
Dhacdada ugu dambeysay oo maanta dhacday ayaa laga soo tabiyay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, askar murtadiin ah oo watay gaari Cabdibile ah ayaa lasoo sheegay inay jiireen mooto ay wateen dad shacab ah.
Waxaa halkaasi ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Shucayb Maxammed Sharmaake, gaariga nooca ciidamada ayaa jiiray xilli uu ku socday mooto dhugdhugley ah, waxaana maydkiisa la dhigay mid ka mid ah cisbitaallada Gaalkacyo.
Sidoo kale dhacdo tan la mida ayaa dhowaan ka dhacay meel u dhow Isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu jiiray wiil dhalinyaro ah oo shaqo kusii jeeday.
Ehelladiisa oo soo hadlay waxay sheegeen in wiilkooda oo kusii socday Tabeellaha uu si bareer ah u jiiray gaari Cabdibilaha ah oo ay wateen maleeshiyada Riddada, goobtana uga dhaqaaqeen, waxay sheegeen in ugu dambayn ay wiilkooda iska aasteen markii ay waayeen meel ay u raacdaan, maleeshiyadii murtadiinta ee dilka gaystayna ay goobta si nabad ah kaga baxsadeen.