Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar qaraxyo ah la beegsadeen Kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Danow iyo Shalaambood ee wilaayada Sh/hoose.
Ilaa 6 qarax ayay ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen kolonyada kufaarta, waxayna qaraxyadu si gaar ah u wada haleeleen ciidamo Ifantari ah oo ka horreeyay gaadiidka, waxaana jirta khasaare nafeed oo kuffaarta Afrikaanta lagu gaarsiiyay qaraxyadaas.
Waxay dhanka kale ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Owdheegle.
Sidoo kale waxay ciidamada dagaallo culus ku qaadeen xeryaha ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee degmada Buulo Mareer iyo deegaanka No/60 ee isla Sh/hoose.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu xaafadda Weydow ee magaalada Muqdisho qarax xooggan kula beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah, hal askari oo murtad ah ayaana ku dhaawacmay.