Xukuumadda Riddada ee Xasan Sheikh, ayaa heshiis ‘Iskaashi Ciidan’ lagu magacaabey la gashey Xukuumadda Qaahira.
Xasan Sheekh oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Masar, ayaa la kulmey hoggaamiyaha dabadhilifka ah ee Siisi. Afhayeen u hadlay madaxtooyada Masar ayaa sheegay in madaxweynaha Masar iyo dhigiisa Soomaaliya ay ka wada hadleen arrinta Itoobiya. Afhayeenku waxa uu sheegay in Qaahira ay taageerayso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Mar sii horreysay waxa wareysi uu siiyey Wargeyska Asharq Al Awsat Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabbuuti ku xusey in keliya Soomaaliya iyo itoobiya isu soo dhawaan karaan haddii midkood uu ka tanaasulo mawqifkiisa.
Xasan Sheekh oo xukuumaddiisu weji gabax kala soo kulantey wadahadalladii Ankara ee Isniintii ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley sidii uu meesha uga saari lahaa MoU-ga Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo wax u dhimaya meeqaamka Villa Somalia, Maaddaama oo aaney lahayn saxiixa ugu dambeeya ee lagu wareejinayo qayb kamid ah xeebta Soomaaliya.
Qaahiri waxa ay sheegtay in ay dhawaan safaarad ka furan doonto Muqdisho, isla markaana la sameyn doono duullimaad diyaaradeed oo toos ugu kala goosha Xamar iyo Qaahira. Xasan Sheekh waxa uu hore heshiis difaac ula galey Turkiga kaas oo ilaa immika ku koobsadey in uu wadahadalsiiyo dhinacyada.