Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kabakutukade) oo ah waaliga wilaayada islaamiga Sh/dhexe, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta islaamiga ee Al-furqaan wuxuu kaga warbixiyay weerarkii cagta lagu mariyay saldhiga maleeshiyada Riddada ee ka dhacay deegaanka Ilbaq ee duleedka degmada Balcad.
Maleeshiyada lagu laayay weerarkan cagmarinta ah ayuu sheekhu sheegay inay ahaayeen Copy Axmaaro, 27 askari in lagu dilay ayuu xaqiijiyay gaadiid iyo hub kala duwanna lagu qaniimeytay, sheekh Yuusuf ayaa sheegay in weerarkii saaka dhacay uu aargud u yahay dadka muslimiinta ah ee kooxda Xassan Maxamuud ku dhibaataynayso Muqdisho.