Waxaa fashil kusoo idlaaday shirkii ay garwadeenka ka ahayd dowladda Riddada Turkiga ee la doonayay in kooxda Riddada Soomaaliya bad ku siiso dowladda nasaarada xabashida, si ay uga laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha debadda ee dowladda Turkiga, Hakan Fidan oo shir jaraa’id kaga hadlayay shirka, ayaa shaaciyay in aysan kasoo bixin wax natiijo ah, dibna ay u billaaban doonaan wadahadallada u dhaxeeyay labada dhinac, isagoo muddeeyay in shirka saddexaad uu Ankara ka dhici doono 17-ka Sebtembar.
Shirka labada dhinac ayaa ahaa mid aan foolka fool ahayn, Turkiga ayaana u kala dabqaadayay labada dhinac, Itoobiya ayaana la sheegay inay diiday ka laabashada heshiiskii Muuse Biixi ee badda lagu siiyay si kooxda Riddada badda ugu saxiixdo.
Taye Ataske Selassie, oo ah wasiirka arrimaha debadda ee dowladda nasaarada xabashida Itoobiya, oo shirka jaraa’id ka hadlayay ayaa ka shanqariyay in dowladdiisu Turkiga uga mahadcelinayso dedaallada joogtada ah ee ay ugu jirto horumarka xabashida.
Wasiirka arrimaha debadda kooxda Riddada, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhankiisa sheegay in uu fashilmay wadahaladii ay kula jireen xabashida ee ay doonayeen inay bad ku siiyaan, kuna joojiyaan saxiixa heshiiskii ay xabashidu la gashay maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan oo intii shirku socday na lasoo warinayay in Itoobiya si cad u diiday inay soo xirto heshiiskii badda lagu siiyay ee Muuse Biixi, si ay ugu beddelato heshiis kale oo ay la gasho kooxda Gurguurte.
Madaxda kooxda Riddada, ayaa horay fagaareyaal uga sheegay inaysan diidanayn inay Itoobiya bad heshso, balse ay diidanyihiin kaliya waddada ay ku doontay oo ah Muuse Biixi, balse ay jeclaan lahaayeen inay iyagu u saxeexaan heshiiska badda.