Wasiirka warfaafinta maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Soomaaliland, ayaa ka hadlay wadahadallada uu Turkigu ka dhexwado kooxda Riddada Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay kaliya u hanqal taageysay in iyada loo soo maro oo ay hesho saxiixao heshiiska, wax dan ahna aysan ka lehayn badda Soomaaliya xitaa hadii iyada oo dhan la xayuubsado.
Murtadkan oo lagu magacaabo Cali Xasan Maxamed, ayaa sidoo kale ka shanqariyay in dowladda Riddada ee uu madaxa ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud aysan Itoobiya heshiis kula gali karin xeebaha ku yaala deegaannada waqooyi ee uu ka arrimiyo maamulkiisa.
Waa markii labaad ee uu maamulkan ashahaada la diririka ah ka hadlo wadahadallada ay waddo xukuumada Riddada ah ee Ankara, kaasi oo ay ku doonayso inay Itoobiya ku siiso marin badeed caalami ah oo ku xira caalamka intiisa kale, iyada oo usoo maraysa kooxda Riddada Soomaaliya.