Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro saldhigga ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor iyo midka maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhaba.
Waxay sidoo kale mujaahidiintu weerar abaabulan oo dagaal toos ah ku qaadeen isbaaro Riddada u tiillay xaafadda Horseed ee ka tirsan magaalada Baydhaba, waxaana halkaasi lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay fariisinka maleeshiyaadka Riddada ee Buurta oo kutaal degmada Beledxaawo ee wilaayada Gedo, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Mandheerana, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Dhamase ee gobolka Mandheera oo ka mida dhulalka muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxaana jira khasaara kala duwan oo kuffaarta lagu gaarsiiyay dagaalkaas.