Ciidamada mujaahidiinta Jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ee fadhigoodu yahay saaxilka iyo saxaraha Africa, ayaa si dardar leh ku wada howlgalladooda ka dhanka ah murtadiinta Maali iyo murtazaqada Ruushka ee Faagnar.
Weerarada jidgalka ah ee lagu dhiigbixiyay maleeshiyaadka murtazaqada Ruushka iyo murtadiinta Maali waxaa uu mid ka mid ah ka dhacay nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Djemenka oo ka tirsan wilaayada Mopti.
Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan murtadiinta Maali iyo hal askari oo ka tirsan murtazaqada uu ku adeegto Ruushka ee Faagnar ayaa lagu dilay weerarkan kamiin ah oo rag ka tirsan mujaahidiinta Maali ka fuliyeen duleedka Djemenka ee ka tirsan Mopti.
Waxay sidoo kale mujaahidiintu weerarkan kusoo qaniimeysteen gaari nooca ciidanka ah, noocyo kala duwan oo hub iyo agabyo kuwa ciidanka ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerarkaasi ku gubeen laba gaari oo kuwa ciidanka ah.
Dhanka kale, Lix askari oo isugu jira murtazaqada Ruushka ee Faagnar iyo murtadiinta Maali ayaa lagu dilay howlgal qarax ah oo mujaahidiinta Maali la beegsadeen ciidamo lug ah oo marayay inta u dhaxayso Baro iyo Sangobia ee dalka Maali.
Sidoo kale howlgal qarax ah oo mujaahidiinta Nusratul islaam ka fuliyeen inta u dhaxayso Nambala iyo Djabli ee Maali waxay mujaahidiintu ku gubeen gaari nooca xamuulka ciidanka ah oo ay wateen ciidamada Riddada Maali.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada mujaahidiinta oo maydadka murtazaqada Ruushka ee Faagnar iyo murtadiinta Maali waraya jidadka lagu dagaallamay, si gaar ah kamiinka ka dhacay duleedka Djemenka ee ka tirsan Mopti.