Xaalad adag ayaa soo wajahday gaalada ku sugan xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ay saliibiyiinta duullaanka ku ah shareecada islaamka kaga suganyihiin waddanka.
Waxay ugu yeeraan urur gaaleedka Qaramada midoobay ayaa warqad rasmi ah oo digniin amni ah u diray dhammaan shaqaalihiisa ku sugan xerada Xalane, iyaga oo uga digay weeraro ka iman kara dhanka mujaahidiinta.
Warqadda uu urur gaaleedkan u qoray shaqaalihiisa ka howlgala taliska ugu wayn ee ay saliibiyiinta ka degganyihiin dalka, ayaa sidoo kale lagu soo saaray awaamiir ku socota shaqaalahooda ku sugan xerada Xalane, waxaana qodobbada ku xusan ka mid ah in laga billaabo 1-da August gaar ahaan 6-ka fiidnimo bandow lagu soo rogay Xalane iyo agagaarka halka ay u yaqaanaan khadka Cagaaran, mana aysan xaddidin wakhtiga bandowgaasi la qaadi doono.
Gaalada midowday waxay sidoo kale shaqaalaheeda oo dhan u sheegtay in taxadar dheeraad ah ay muujiyaan, joojiyaanna dhaqdhaqaaqyada, wakhti walbana ay filan karaan weerar kaga yimaada dhanka mujaahidiinta.
Xaalad kala carar ah ayaa caawa laga dareemaya xerada Xalane, digniintan amni ee Urur gaaleedka qaramada midoobay u diray shaqaalihiisa ku sugan xerada Xalane ee caasimadda Muqdisho ayaa kusoo beegmayso xilli walaac aad u daran oo dhanka amniga ah ay dareemayaan saliibiyiinta hormuudka u ah duullaanka ashahaada la dirirka ah ee ka socda Soomaaliya, dhanka kalena uu socdo insixaabka saliibiyiinta Afrikaanta.