Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maamulka Yahuudda ayaa duqayn xooggan la beegsaday mandiqadda Xarat Xariik ee dhacda duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda ah, halkaasi oo diyaaradaha gumeystaha la sheegay inay ku dhaawaceen ilaa lix qof oo mid ka mid ah dhaawaciisu yahay mid culus.
Warbaahinta maxalliga ah waxay soo sheegtay in dhowr gantaal ay kusoo dhaceen dhisme la bartilmaameedsaday, waxaana duqaynta kaddib goobta uu weerarkan ka dhacay isku gedaamay ciidamada ammaanka ee Lubnaan.
Wakaaladda wararka u faafisa Lubnaan, waxay sheegtay in weerarka Yahuuda oo 3 gantaal ahaa uu beegsaday dhisme kuyaal agagaarka xarunta golaha shuurada ee ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullah ee kutaal duleedka koonfureed ee magaalada caasimadda ah, taasoo keentay inuu burburo.
Reuters waxay dhankeeda sheegtay iyada oo soo xiganayso ilaa saddex ilo wareed oo ammaan ah in weerarka oo ka dhacay duleedka koonfureed ee Bayruut lala eegtay Fuad Shukr oo ah madaxa qolka hawlgallada ee ururka Xisbullah, waxay intaasi ku dartay in ilaa hadda aan la garanayn halka uu ku dambeeyo hoggaamiyahaasi.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo uura madow oo ka baxaya goobta, kaddib markii qarax uu ka dhacay duleedka caasimadda Lubnaan ee Bayruut.