Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ayaa sheegaya in buuq iyo gacan ka hadal uu hareeyay kulan lagu waday in maanta oo Talaado ah ay yeeshaan xildhibaannada ismaamulka dowladda saliibiyadda Kenya ee Wajeer.
Buuqa iyo gacan ka hadalka ayaa yimid, kaddib markii baarlamaanka ismaamulkaasi la horgeeyay miisaaniyadda sannadkan 2024-ka si ay u ansixiyaan, balse waxaa taasi ka biya diiday xildhibaanada.
Muuqaal iyo sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay xildhibaanno abaabulan oo ku sugnaa hoolka golaha daaquudka ah ee ismaamulka Wajeer oo si adag uga hortagaya xubno doonayay in loo ansixiyo miisaaniyadda 2024-ka.
Xildhibaannada ayaa ku guuleystay inay gacan ka hadal hoolka kaga saaraan xubnaha doonayay ansixinta bajadka miisaaniyadda, qaar ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in bajadka uu yahay mid diyaarsan oo qole gaar ah ay wadato, isla markaana la doonayay kaliya in la ansixiyo.
Waxay sheegeen in musuqmaasuq aad u baahsan uu ka dhex jiro maamulka gobolka Wajeer iyo kan degmada, sababta ay u ansixin waayeen ayay ku sheegeen in bajadka la horkeenay uu yahay mid shakhsi ah, sidaas na ay ku diideen.