Dab xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday banka xaguuga ee dhaca duleedka degmada Gaashaamo ee bariga gobolka Jarar ee ka tirsan dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida.
Dabka ayaa saameeyay dhul baaxad leh oo ka tirsan banka xaguuga oo ah dhul daaqsimeed caanka ah Soomaali-galbeed, dabka ayaa ku faafay in badan oo bankan ka mid ah.
Saacadihii ugu horreeyay ma jirin gurmad guuleystay oo laga sameeyay aagga, taasi oo keentay in uu dabka si fudud ku fido, dadyow badan oo deegaanka ah ayaa goobta dib ka tagay, muuqaallo iyo sawrro laga soo duubay aagga ayaa muujinayay dabka oo sii fidiya iyo dadka deegaanka oo isku dayaya inay hakiyaan dabka.
Waa markii labaad oo uu dab xooggan ka kaco banka xaguuga, bankan ayaa ah dhul daaqsimeed iyo dhul dalxiiseed kuyaal bariga gobolka Jarar ee dhulka Soomaali galbeed, waxaa markii hore la sheegay in uu ahaa dhul kayn ah, balse isbeddelka cimilada uu keenay inay dhirtu guurto , sidaasna ay dadka deegaanku ugu bixiyeen magaca banka xaguuga, haddase waa dhul daaqsimeed, waxaana xilliyada abaarta ah bankan daaqa geela oo ah mid magac iyo muuno gaar ah ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.