Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku mireen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Buulo-burte ee dhacda bartamaha Somalia iyo deegaanka Bariire ee koonfurta dalka.
Weerarka koowaad ee dagaalka tooska ah waxay mujaahidiintu ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin gudaha degmada Buulo-burte ee dhacda wilaayada islaamiga Hiiraan, khasaare gaaray Riddada ayaa jira.
Weerarka 2-aad oo isagana dagaal toos ah, waxay ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ku mireen xero ciidan iyo fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.