Howlgal qarax ah oo rag ka tirsan mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan ka tirsan Sh/hoose, ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxyadaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah maleeshiyada la qarxiyay.
Qaraxyada oo gaarayay ilaa laba qarax waxay mujaahidiintu maanta ka fuliyeen deegaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye, waxaana lala beegsaday maleeshiyo Riddada ka tirsan oo ku sugnaa deegaankaasi, saddex askari oo murtadiin ah ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Isla Sh/hoose, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha deegaanka Bariire ee Sh/hoose ayaa lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Kuulow Cabaas oo ahaa askari murtad ah.
Dhanka Gedona, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku mireen xerada murtadiinta ee Baraxow ee degmada Baardheere, hubka nooyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay ayaana laga maqlayay meelo fog fog.