Wararka ka imaanaya magaalada Tal’abiib ee gumeysiga Yahuudda ku hoos jirta, ayaa sheegaya in weerar culus oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah lagu beegsaday meel u dhow safaaradda Maraykanka ee magaaladaasi.
Ciidamada Yahuudda waxay sheegeen in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ku qaraxday magaalada Tal’abiib subaxnimadii hore ee saaka oo jimco ah, uuna ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warbaahinta maamulka sahaayinadu waxay dhankeeda sheegtay in qarax weyn laga maqlay waddada Bin-yahuud ee kutaal magaalada Tal’abiib oo ka mid ah magaalooyinka Falastiin ee ay xoogga ku haystaan sahaayinada.
Ciidanka booliska gumeystaha waxay dhankooda sheegeen in meydka qof sahyuuni ah ay kasoo saareen meel u dhow safaaradda Maraykanke ee uu qaraxa diyaaradda loo adeegsaday ka dhacay, kooxda gurmadka deg degg ahna ay gacanta kusoo dhigeen siddeed kale oo dhaawacyo ah.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay Yeman, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, Yaxye Sariic oo ah afhayeenka kooxda ayaa war uu soo saaray ku sheegay in saaka ciidamadiisa cirka ay weerar culus oo qorsheysan ka fuliyeen bartamaha Tal’abiib.
Sariic, ayaa sheegay in weerarkaasi oo ahaa mid tayaysan loo adeegsaday diyaarad cusub oo kooxdu soo saartay, taasi oo uu sheegay inay awood u leedahay inay ka gudubto nidaamka difaaca Yahuudda, isagoo intaas ku daray inay leedahay hannaan awood u siinaya inaysan oggaan karin raadaarada lagala socdo dhaqdhaqaaqa hawada ee maamulka fadhigiisu yahay Tal’abiibta la qarxiyay,