Inta la xaqiijiyay ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay halka 13 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo ka mid ah wilaayada Badakhshan ee wadanka Afghanistan.
Maamulka islaamiga ah ee wilaayada Badakhshan, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in gaari nooca Land Cruiser-ka uu shilka galay, kaasi oo ka weecday jidkii uu ku socdaalayay oo ah waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Faiz-abad iyo Kohistan ee wilaayada Badakhshan.
Ilo wareedyo caafimaad oo ay soo xiganayso warbaahinta maxalliga ah waxay sheegeen in 13-ka qof ee dhaawacyada ay ka mid yihiin 4 qof, kuwaas oo xaaladdoodu tahay mid aad u liidata.
Shil baabuur oo kale ayaa lasoo wariyay in uu ka dhacay wilaayada Baghlaan ee Afghanistan, waxaa la xaqiijiyay in shilkan labaad ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof, halka sidoo kale ku dhaawacmeen 34 kale.
Shilalkan baabuur ee saacadihii lasoo dhaafay dhacay, ayaa noqonaya midkii 3-aad ee noocooda ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay Waqooyiga dalka Afghanistan, waxaana shilalkan ka dhashay khasaare baaxad leh.