Xubno ka tirsan baarlamaanka dowladda xabashida Itoobiya oo taageeraya heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy Axmed uu murtad Muuse Biixi uga saxeexday qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay taageero dhan walba ah la garab taagan yihiin ciidanka Badda ee nasaarada Xabashida.
Xubnaha guddiga xiriirka debadda iyo arrimaha amniga ee baarlamaanka dowlada xabashida oo ka duulaya dar-dar gelinta fulinta heshiiskii xaaraanta ahaa ayaa booqasho ku tagay xarunta ciidanka badda ee xukuumadda nasaarada ee Addis-ababa, si usoo qiimeeyaan ciidanka badda ee uu uu aas-aasay Abiy Axmed.
Wargayska Addis Standard ayaa daabacday sawirrada booqashada iyo kulanka dhex maray xubnaha baarlamaanka iyo saraakiisha ciidamada badda Itoobiya, kaasi oo ka dhacay xarunta ciidamada badda oo kutaal magaalada Bahar-dar ee gobolka Axmaarada.
Guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi, ninka xildhibaanka ah ee lagu magacaabo Fetih Mehadi, ayaa intii ay ku guda jireen booqashadooda sheegay in wax kasta oo suurtagal ah ay ku taageerayaan ciidanka badda Itoobiya.