Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo laga soo tabiyay bar kaantarool oo saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya ay gaadiidka ku hubiyaan, halkaas oo uu nin Kenyaan ah gaari ku jiirsiiyay sarkaalad ka tirsan laamaha ammaanka.
Dhacdadan ayay warbaahinta maxalliga ah ee ka howlgasha Kenya kasoo tabisay bar Control oo kuyaal waddada isku xirta Malaba iyo Kanduyi oo dhacda dalka Kenya, halkaas oo mid ka mid ah dareewallada kaxeeya gaaddiidka Kenya uu gaarigiisa ku dhuftay haweenay ka tirsanayd saraakiisha ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska, ee loo xil saaray hagidda gaadiidka.
Taliyaha ciidanka booliska deegaanka Teso ee dhaca ismaamulka Busia, Joseph Matiku ayaa warbaahinta u sheegay in wadaha gaariga oo ay uga shakiyeen inuu siday walxo kontarabaan ah uu iska indha tiray ammarka ay bixinayeen ciidanka booliska oo ahaa inuu joojiyo gaariga, xilli uu marayay meel u dhow Kocholya.
Wadaha ayaa ugu dambayn intii uu joojin lahaa baabuurkiisa go’aansaday inuu jiiro sarkaalad ka tirsanayd ciidanka booliska, taas oo iyadoo dhaawac ah la geeyay degmada Kocholya, waxaana la xaqiijiyay in goor dambe ay halkaas ku geeriyootay, waxaana maydkeeda loo qaaday cisbitaalka Moi ee magaalada Eldoret.
Ma ahan dhacdadii ugu horraysay oo dhacdo gaari jiirsiin ah laga soo tabiyo ismaamulkan, laba bilood ka hor ayay ahayd markii sarkaal booliis ah gaari lagu jiirsiiyay isla goobta laga soo tabiyay dhacdan lagu dilay sarkaaladda ka tirsanayd ciidanka ammaanka ee Kenya.