Dowladda kenya ayaa sheegtay inay ciidankeeda oo dhan kala bixi doonto Soomaaliya Marka la gaaro xilligii lagu balamay in lasoo afjaro howlgalka ATMIS.
Waziirka gaashaandhigga ee dowladda saliibiga ah ee Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa baarlamaanka dalkaas ka hor sheegay inay ciidankoodu kala soo bixi doonaan Soomaaliya haddii lasoo afjaro howlgalka ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee ka socda Soomaaliya.
Waziirkan ayaa mar la weydiiyey qorshaha uga yaallo ciidankooda ku sugan Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay la mid yihiin ciidamada kale ee Afrikaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, haddii howlgalkaas lasoo afjarana aysan jirin sabab ay kusii joogaan Soomaaliya.
“Wejigii koowaad ee ciidankan waxaan lasoo baxnay 400 oo askari, wejiga labaadna waxaa lasoo bixi doonaa 754, waxaana la filayaa in dhamaadka 2024-ka aan lasoo baxno dhamaan ciidankeena” ayuu yiri xilli uu la hadlayey golaha baarlamaanka ee dalkaasi.
Dowladda Kenya ayaa duullaan kusoo qaaday Soomaaliya sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay sheegtay inay ka hortageyso falal ammaan darro oo ka jiray gudaha dalkeeda, balse markii ay soo gashay Soomaaliya oo ay awoodi weysay inay dhaqaale u hesho duullaanka, ayey ku luga duubatay isbaheysiga kuffaarta Afrikaanta.
Dowladda Kenya ayaa imika ka walaacsan mustaqbalka amniga dalkeeda, haddii lasoo afjaro howlgalka kuffaarta Afrikaanta, kolkaas oo aysan dhaqaale u heli doonin dagaalka ay kula jirto Mujaahidiinta ee ka socda Soomaaliya iyo keymaha Booni ee gobolka Lamu.