Sheekh Cabdullaahi Abu Khaalid oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa kalimad uu jeediyay kaga hadlay duullaankii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada mujaahidiintu kusoo afjareen maleeshiyaadkii murtadiinta Danab ee ku sugnaa deegaanka Ceel-lahelay ee dhaca duleedka degmada Ceel-garas.
Sh Abuu Khaalid ayaa kalimaddiisa ku bogaadiyay camaliyaddii Istish-haadiga ahayd ee ka dhacday deegaanka Laas-gacameey ee dhaca koonfurta wilaayada Mudug, halkaas oo ay mujaahidiintu Allaah fadligii ku beegsadeen saraakiil, masuuliyiin iyo maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, Sheekha ayaa dhanka kale bogaadiyay duullaankii Ceel-lehalay, waxa uu sheegay in deegaanka laga xoreeyay maleeshiyaad murtadiin ah oo Maraykanka uu ku adeeganayay, kuwaas oo saliibiyiinta ku garab siiyay duqaymo lagu dilay dad shacab aan waxba galabsan oo ka dhacay duleedka Ceel-garas burburiyay ceelel biyoodyo ay lahaayeen dadka muslimiinta ah.
Sheekh Abuu Khaalid ayaa dadka reer Ceel-lahelay ugu baaqay inay xabaalaan maydadka maleeshiyaadka Riddada, kuwaas oo weli daadsan goobihii uu Allaah ku ciqaabay ee deegaanka Ceel-lahelay, wuxuu baaq muhiim ah u diray haraadiga maleeshiyaadka Riddada ee weli ku harsan sufuufta Riddada.