Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ayaa maanta qarax culus ku weeraray gaari ciidan oo ay wateen ciidamada saliibiyiinta Kenya, kaasi oo ku socdaalayay qaybo ka mid ah gobolka Laamu.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayay mujaahidiintu ku beegsadeen gaari Kooyal ah oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaasi oo kusii jeeday magaalada Hindi ee gobolka Laamu, qaraxa ayaana si wanaagsan u haleelay gaariga.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay inoo xaqiijiyeen in qaraxaasi ay ku dhinteen 10 askari oo saliibiyiin ah oo ka mid ah kuffaartii la socotay gaariga, halka sidoo kalena uu goobta ku burburay gaarigii Kooyalka ahaa ee qaraxu haleelay.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu gudaha degmada Diinsoor qarax kula beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah.