Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii cagmarinta ahaa ee ay saaka ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen deegaanka Nuur-dugle ee hoostaga degmada Masaajid Cali Gaduud ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo ay fariisimo ciidan kulahaayeen maleeshiyaadka murtadiinta.
Weerarkan waxay Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiintu ku dileen 9 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay 5 kale oo murtadiin ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerarkan kusoo qaniimeysteen 6 mooto oo ay halkaasi kaga carareen murtadiinta 7 qori iyo saanad ciidan.
Dhanka kale, Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud waxay weerar dhabba-gal ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay deegaanka Labadible ee dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi ku dhaawacay 1 askari oo murtadiin ah.