Warsaxaafadeed kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa looga warbixiyay howlgal gaar ah oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa wazaaradda Gaashaandhigga kooxda Riddada Somalia, sidoo kalena ahaa sarkaal hagayay diyaaradaha basaaska ah ee dowladda Maraykanka.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in murtadkan oo tabobaro kala duwan kusoo qaatay waddanka Maraykanka uu ka mid ahaa saraakiil ay ku raad joogeen ciidamada mujaahidiinta Khamiistiina lagu beegsaday howlgal qorsheysan oo gaar ah kaas oo dhaawac culus uu kasoo gaaray balse uu dhaawacaasi u bakhtiyay habeenkii xalay.
“Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, Waxay Mujaahidiintu – Allaah fadligiis – 29 kii bisha Ramadan 1444H, oo waafaqsaneyd 20 Abriil 2023 howlgal gaar ah ku beegsadeen Murtad lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamed Maxamuud kaas oo ahaa mujrim ka mid ahaa madaxyo-weynta murtadiinta ee ay in Mujaahidiintu ku raadjoogeen”.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri “Murtadkaan oo tababaro dhawr ah kusoo qaadatay wadanka Maraykanka ayaa xilligaan ku magacawnaa waxa loogu yeero taliye ku xigeenka howlgalada ee wazaarada gaashaandhiga kooxda ridada Soomaaliya, iyo madaxa howlgelinta murtazaqada Mareykanku leeyahay ee loogu yeero Danab. Wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha Drones-ka ee duqeymaha u geysta dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Mujaahidiinta oo si hoose ula socday xogta sarkaalkan iyo kaalinta uu ku leeyahay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalkan Muslimka ah, ayaa Allaah fadligii waxaa maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay u suuragashay inay howlgal gaar ah ku beegsadaan xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhaawac garaab ahna gaarsiiyaan. Xaley oo Isniin ah ayuu u bakhtiyey dhaawicii soo gaaray.
Khaarijinta murtad Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud, madaxii howlgelinta murtazaqada Danab, wuxuu mar kale muujinayaa in saraakiisha ridada iyo mujrimiinta ashahaado la dirirka ah aysan marnaba ka baxasan karin ciqaabta Allaah, isla markaana gacanta dheer ee Mujaahidiintu ay soo qaban doonto – Insha-Allaah – ama ha dhawaato ama ha dheeraato”