Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu garaacay xarunta madaxtooyada Riddada ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in mid ka mida madaafiicda uu ku dhacay gudaha guri uu wasiirka Batroolka kooxda Riddada murtad Cabdirisaq Cumar ka deganyahay xarunta madaxtooyada, waxaa la xaqiijiyay in uu si dirqi ah kaga badbaaday madaafiicda balse waxaa ku dhintay taliyihii ilaalada gaarka ee wasiirka kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Warsame, hal askari oo ka mid ah ilaalada wasiirka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in uu labada lug ka go’ay.
Madfac kale ayaa lasoo wariyay in uu ku dhacay Controllka laga galo xarunta madaxtooyada kooxda Ridada waxaana madfacaasi ku dhintay 2 xubnood oo murtadiin ah oo mid ka mida lagu magacaabi jiray Afeey kaasi oo ahaa taliyihii barta Control, waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 askari oo ka mid ahaa ciidankii ka howlgalayay bartaasi Controll.