Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Banaadir waxay maanta dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada.
Weerarkan oo ahaa mid la qorsheeyay waxay mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin halka loo yaqaan Cali Ganeey oo ka tirsan xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, dagaalla oo ahaa mid fool ka fool ah waxay ilo wareedyo masuul ah xaqiijiyeen in halkaasi khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Inta la hubiyay waxaa dagaalkaasi ku dhaawacay 2 askari oo murtadiin ah kuwaas oo kala ah Mustaf Mire askari kale oo magaciisa lagu soo koobay Naays.
Weerarkan ayaa qayb ka ah silsilado howlgallo ah oo maalmihii u dambeeyay ay mujaahidiintu ka wadeen Muqdisho iyo duleedkeeda kuwaas oo lagu beegsanayay murtadiinta iyo kooxaha fasaadka ka shaqeeya.