Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah waaliga WI Jubbooyinka oo waraysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus ayuu kaga warbixiyay howlgalkii barakaysnaa ee hiirtii saaka ciidamada mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta deegaanka Janaay Cabdalle ee dhaca duleeedka magaalada Kismaayo.
Sheekha ayaa sheegay in duullaankii saaka ee Janaay Cabdalle uu ahaa xasuuq lagala duldhacay maleeshiyaad lagu uruurinayay duleedka magaalada Kismaayo si ay u dhibaateeyaan dadka muslimiinta ah, balse uu Allaah fashiliyay dhagartooda gudadkoodana uu kusoo dumiyay. sheekha ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay 89 xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii goobta lagu weeraray oo isugu jiray askar iyo saraakiil ciidan, halka ay mujaahidiintu soo furteen hub saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo dhan 20 gaari.