Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa war horudhac ah kasoo saaray howlgalkii xoogganaa ee ay Mujaahidiintu aroornimadii hore ee saaka kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Riddada ay ka deganyihiin deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarada oo ahaa kuwa is dhinac socday lagu beegsaday 2 xero oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada ee loogu yeero federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka Mujaahidiinta oo uu ku saxiixnaa afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta ayaa u sidan. “Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Khamiis ah hawlgallo milatari ka fuliyeen saldhigyada cadawga ee deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka degmada Kismaayo ee Wilaayada Jobooyinka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar cag-marin ah ku qaaday Laba saldhig oo ku yaalla deegaanka Baar-Sanguuni kuwaas oo ay ku kala sugnaayeen maleeshiyaad ridda ah oo kala taabacsan waxa loogu yeero federaalka iyo maamulka ridada ah ee iskugu yeera Jubaland.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa – Allaah fadligiis – si dhamaystiran gacanta ugu dhigay labadii saldhig ee ay weerareen, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray. Sidoo kale waxaa jira hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaystay.
Dhanka kale, Mujaahidiintu waxay kamiin u dhigeen maleeshiyaad gurmad ahaa oo kasoo dhaqaaqay saldhiga ridada ee deegaanka Buula-guduud ee ku dhow Sanguuni, waxaa cadawgaas la gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, iyagoona lagu qasbay inay dib ugu cararaan halkii ay ka yimaadeen ee Buula-guduud. Hawlgalladu weli waa ay socdaan, wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah.”.
Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.