Ka dib markii ay Mujaahidiintu cagta mariyeen lana wareegeen gacan ku hayta saldhigyadii murtadiinta ee degaanka Baarsanguuni, waxay Mujaahidiintu weerar xooggan oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Kismaayo, kuwaas oo kusii jeeday deegaanka ay weerarka cagmarinta ah ku qaadeen ciidamada Mujaahidiinta ee Baarsanguuni.
Mujaahidiinta oo si dhow isha ugu hayay dhaqdhaqaaqyada murtadiinta ayaa kammiin xooggan duleedka magaalada Kismaayo ugu dhigay kolonyada gurmadka ah ee kasoo baxday magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi murtadiinta lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira khasaare dhimasho.