Khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarkii xoogganaa ee ay Saaka Mujaahidiintu kula kalaheen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Hilowle Gaab ee ka tirsan wilaayada Sh/dhexe.
Weerarka oo ahaa mid xooggan waxay Mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Hilowle Gaab oo ah deegaan hoos taga degmada Run Nirgood ee wilaayada Sh/dhexe, waxayna Mujaahidiintu howlgalkan kusoo furteen gaadiid dagaal, hub iyo saanad millatari oo ay ka carareen maleeshiyaadka Riddada.
Howlgalkan waxay Allah fadligii Mujaahidiintu ku dileen askar iyo saraakiil badan oo murtadiin ah, waxaana ka mid ahaa saraakiisha lagu dilay dagaalka ee aan magacyadooda helnay Kabtan lagu magacaabi jiray Xassan Cali Indhool oo ahaa taliyihii hoggaaminayey maleeshiyaatkii Riddada ee duullaanka ashahaada la dirirnimo kusoo qaaday WI Sh/dhexe.
Halkan Ka Dhagayso Xogta Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Hilowle Gaab.