Wararka ka imaanaya ismaamulka galbeedka Pokot ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof oo Kenyaati ah ay ku dhinteen god kusoo dumay oo laga qodo macdanta, Xilli ay dadkaasi ku howlanaayeen maaraynta nolol maalmeedkooda.
Sida ay baahisay warbaahinta Kenya dadkan ayaa dhintay ka dib markii uu kusoo dumay god dahabka laga qoto, halka sidoo kale lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo labo kale oo ku xayirnaa gunta hoose ee godka.
Faarax Muriilla oo ah goobjooge ku sugnaa goobta oo ay soo xigatay warbaahinta waddanka Kenya ayaa sheegaya in dadka dhintay ay dhammaantood ahaayeen haween wakhtigaasi ku howlanaa soo saarista dahabka, Si ay nolashooda ugu maareeyaan.
Saraakiil ka tirsan booliska ismaamulka galbeedka Pokot ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, iyagoo intaas ku daray in duruufaha nololeed ee ka jira waddanka gaar ahaan ismaamulkan ay dadka deegaanka ah ku qasabtay inay nolol maalmeedka ka raadiyaan goobaha halista ah.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in haweenka dhintay iyo kuwa dhaawacyada qaba ay ku jireen da’aadda u dhaxayso 20 illaa 32 jir, Sida uu xaqiijiyay qof goobjooge ah oo dhacdadan laga waraystay.
Dhacdadan ayaa ka mid noqonayso dhacdooyinka ay dadka ku dhintaan ee laga soo tabiyo galbeedka waddanka Kenya, 2019-kii ayay ahayd markii dhul go’ ka dhacay isla ismaamulkan galbeedka waddanka Kenya ay ku dhinteen soddomeeyo qof oo Kenyaati ah.