Jugta qarax aad uxooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay magaalada Jowhar iyo deegaannada hoos yimaad, gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarun ay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ka deganaayeen agagaarka madaxtooyada.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa, “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Riddada Hirshabelle” ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus.
Mujaahidiinta Al Shabaab waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Xogta Camaliyadda Jowhar.