Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka fuliyeen afafka hore ee magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay.
Dagaal culus ayey ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada koonfur galbeed ee Makuudo ee magaalada Baydbabo.
Weerarkan oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay saraakiil iyo askar Murtadiin ah kuwaasi oo kala ah.
Dhimashada.
1- Sarkaal Saddex xidigle oo lagu magacaabi jiray Samow
2-Sarkaal Labo xidigle ah oo l lagu magacaabi jiray Macain Cali oo ku magacdheera Awoowe
3- Sarkaal Hal xidigle oo lagu magacaabi jiray Shuceyb
Dhaawaca
Dhaawacyada
1-Aadam Baariyow waa sarkaal Murtad ah oo Hal xidigle ah.
2-Mad Boorow oo ku magac dheeraa Fartaag waa askari ka tirsanaa Ridada
3-Nuurow Waa askari ka tirsanaa Ridada
Ganiimada.
Qori iyo booshkiisa iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiintu waxey kamiin u dhigeen maleeshiyaat Murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka magaalada Kismaayo, Waxaa weerarkaas dhabba galka ah si xun ugu dhaawacmay Saddex askari oo Ridada Jubbo-land ah.
Dhanka Wilaayada Shabeelada hoose waxey Mujaahidiintu weerar ku qaadeen isbaarada Murtadiinta ee buundada weyn ee degmada Qoryooley waxeyna ku dileen hal askari oo Murtad ah kaasi oo lagu magacaabi jiray Taraamadool.
Askariga lagu dilay weerarka ka dhacay Qoryooley waxa uu maalmo ka hor shan kun shilin soomaali u dilay qof ka mid ahaa shacabka ku dhaqan degmada Qoryooley.
Calamada.com