War kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ee askartii lagu dilay weerarkii xerada Ceel-Baraf iyo kuwii sii firxanayey ee lagu gumaaday howdka ay tiradooda sii caga cageyneyso ilaa 173 askari, gacantana lagu dhigay maxaabiis nool nool intii uu socday howlgalka lagu baacanayey ciidankii ku firxaday howdka.
Taliska ayaa sheegay in tirokoob iyo xog uruurin uu sameeynayey tan iyo markii uu weerarku dhacay ay ugu dambeyntii hubiyeen geerida ugu yaraan 173 askari oo ah inta ay Mujaahidiintu arkeen, iyadoo ay suuragal tahay in tirada dhimashada ay sii kororto.
Taliska ayaa sheegay in ciidanka Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen maxaabiis ka mid ah ciidanka Burundi kuwaas oo gacanta lagu dhigay xilli ay sii firxanayeen.
Ciidamo badan oo ku firxaday howdka ayaa weli lahanin halka jaan iyo cirib dhigeen, waxaana Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay goordhow dadka deegaanka fasax u siisay inay hubkooda lasoo baxaan, qof walibana loo fasaxayo inuu qaato hubka uu ka furto askariga uu dilo.