War goordhow kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyey in khasaaraha hordhaca ah ee weerarkii maanta lagu qaaday xerada ciidamada Burundi ee Ceel-Baraf ay gaareyso ilaa 59 askari sida lagu sheegay bayaan goordhow kasoo baxay Xarakada oo ku qornaa luuqada Englishka.
Bayaanka waxaa lagu yiri: “Aroornimadii hore ee saaka oo talaado ah, Labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Sh/dhexe”
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Dagaal xoogan kadib, ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey saldhigga, xilligan hada ah si buuxda ayaan gacanta ugu haya saldhiggaas. xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 saliibi lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay”
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in maadama uu weerarku weli socdo, Mujaahidiintuna ay wadaan howlgalo lagu sii baacsanayo cadowga ay suuragal ah inay tirada dhimashadu sii kororto, waxayna sheegtay inay tafaasiil dheeraad ah soo gudbin doonto.
“Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu soo gudbin doonaa tafaasiil dhameystiran marka uu howlgalku soo gabagaboobo” ayaa lagu yiri bayaankan.