Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar kamiin ah oo kolanyo ka tirsan askarta kenya loogu dhigay wadada isku xirta deegaanada Kayunga iyo Mirarani ee gobalka Laamuu ee dalka kenya.
Weerarkaas dhabba galka ah waxaa lagu gubay gaari Kooyal ah waxaana lagu dilay 13 askari oo ah saliibiyiinta kenya.
Dhanka kale labo qarax oo kolanyo kufaarta afrikaanta ah lagula beegsaday wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad waxaa lagu dilay 2 askari oo burundeys ah waxaana lagu dhaawacay 4 askari oo kufaarta burundi ah.
Dhanka kale deegaanka Cadow dibille ee duleedka degmada afgooye qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay waxaa lagu dilay saddex sarkaal oo yugandheys ah kuwaasi oo ahaa miino baarayaal.
Labo maalin ka hor ayey aheed markii qarax ka dhacay degmada Waajid ee wilaayada Bakool lagu dilay 3 askari oo Xabashida Itoobiya ah.
Calamada.com