Dab aad u xoogan ayaa maanta ka kacay xero ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka HaanShiikh ee duleedka waqooyi ee degmada Balcad iyadoona Faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay dabkaasi.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dabka oo ahaa mid aad u xoogan uu ka kacay keydka hubka ee ciidamada Burundi uu sababay khasaare aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ku Dhawaad 30 askari oo Burundi ayaa ku dhintay, 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dabka, waxaana askarta qaarkood dilay qaraxyada ay sameynayeen hubka ku keydsanaa goobta.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in dabkaas oo socday muddo saacado ah uu sameynayey qaraxyo aad u waaweyn islamarkaana dhowrjeer ay maqleen jug aad u xoogan oo loo maleynayo inay yihiin gantaallo uu dabku qarxiyey.