Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax la doonayay in lagu dilo madaxweynaha maamul gobaleedka isku magacaabay Puntland saciid cabdullaahi dani kaasi oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay afafka hore ee magaalada Boosaaso.
Qaraxa waxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka kolanyadii galbineysay murtad saciid dani, Iyadoo qaraxa uu sababay khasaaraha kala duwan.
Inta la hubo 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka amniga maamul gobaleedka Ashahaado la dirirka ah ee Puntland ayaa ku baqtisay qaraxa labo askari kalane wey ku dhaawacmeen, Waxaa sidoo kale burburay gaarigii qaraxa uu haleelay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahdiinta Alshabaab ayaa lagu xaqiijiyay in hadafka qaraxa uu ahaa in lagu dilo murtad saciid dani balse uu si dirqi ah kaga badbaaday.
Calamada.com