Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey howlgala kala duwan oo isugu jirta dagaallo toos ah, qarax iyo toogasho ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan wilaayaatka Banaadir,Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka.
Banaadir.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal toos ah ku qaadeen fariisinka murtadiinta ee halka loo yaqaano cali diyaar ee xaafada suuqa xoolaha ee degmada hIlwaa.
Shabeelada hoose.
Ciidamada Mujaahdiiintu waxey xalay dagaal toos ah ku qaadeen saldhigyada kufaarta afrikaanta iyo kuwa murtadiinta ee degmada Buulo mareer
Isla Shabeelada hoose Deegaanka mareerey ee duleedka degmada afgooye ee wilaayada shabeelada hoose waxaa shalay ka dhacay qarax lala beegsaday gudoomiyaha murtadiinta ugu magacaaban deegaankaas kaas oo lagu magacaabo Maxamed Abuukar.
Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa ku dhaawacmay Maxamed Abuukar oo ah gudoomiyaha ridada ee deegaanka mareerey iyo 4 askari oo isaga ilaalo u ahaa.
Jubbooyinka.
Shiishyahanada Mujaahidiintu waxey shalay toogasho ku dileen labo askari oo murtadiin ahaa kuwaasi oo ku sugnaa afafka hore ee xerada murtadiinta Singa-leer ee duleedka kismayo waxaana mid ka mid ah labadaas murtad oo sarkaal ahaa lagu magacaabi jiray jaamac gaal.
Isla Jubbooyinka waxaa sii kordhaya khasaraaha murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaal habeen hore mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ridada ee deegaanka Baarka ee duleedka kismaayo waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay labo askari oo murtadiin ah oo lagu kala magacaabo maxamed talaash iyo xasan dheere.