Rag hubaysan oo loo malaynayo in ay katirsanyihiin Jihaadiyiinta Al Qaacidda ayaa weerar khasaara dhaliyay ka geystay wadanka Benin ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha weerarka oo ka dhacay deegaanka Park W ee dhaca waqooyiga dalka Benin waxaa ku dhintay qof caddaan ah oo kasoo jeeda dalka Faransiiska.
Waxaada ladagaallanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ Faransiiska ayaa xaqiijisay in rag hubaysan ay toogasho ku dileen ruuxa Faransiiska ah oo xilligaas tamashle ujoogay tuulo katirsan dalka Benin.
Saraakiil amni ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay doonayeen in ay afduubtaan ruuxa Faransiiska ah balse ay usuurtageli waysay iyagoona markii dambe toogasho ku dilay.
Dhinaca kale wasaaradda difaaca xukuumadda Paris ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 ruux ay ku dishay duqeyn ay diyaaradaheeda dagaalka ay ka geysteen dalka Burkina Faso, Faransiiska ayaa dadka uu laayay ku sheegay in ay yihiin jihaadiyiin hubaysan.
Ciidanka cirka Faransiiska ayaa caan ku ah in ay xasuuqaan shacabka ku dhaqan dalalka Maali iyo Burkina Faso kadibna ay ku sheegaan jihaadiyiin.