Waxaa sii kordhaya khasaraaha askarta xabashida itoobiya lagu gaarsiiyay weerar duqeyn ah oo saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday xerada xabashida ee degmada diinsoor ee wilaayada baay.
24 madfac ayey mujaahidiintu xerada ku garaaceen waxeyna taasi sababtay khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay askarta xabashida Itoobiya.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo itioobiyaan ah ayaa ku baqtisay duqeynta waxaana ku dhaawacmay 5 askari oo isla itoobiyaanka ah, Sidoo kale waxaa duqeynta ku gubtay gaari uuraal ah iyo dhowr teendho oo xabashida uga dhisneed gudaha xerada.
Dhanka kale duleedka deegaanka Kaambooni ee dhaca xad beenaadka gobalka Jubbada hoose la wadaaga dhulka NFD ee kenya gumeysato waxaa labo qarax lagula beegsaday kolanyo askar kenyaati ah oo biyo soo dhaansanayay.
Qaraxayadaas waxaa lagu gubay gaari kooyal ah oo qori dhishiika ah saarnaa, Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5 askari oo saliibiyiinta kenya ah.
Calamada.com