Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal khaas ah oo xoogag jihaadi ah ay xalay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.
inta badan mas’uuliyiintii deegaanka Taabto ugu magacaawnaa maamulka ‘Jubbaland’ ayaa xalay lagu dilay weerar qorshaysan oo ay fuliyeen ciidamo katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Al Shabaab ay dileen guddoomiyihii deegaanka Taabto oo lagu magacaabi jiray Max’med Jiis, iyo madaxii Canshuuraha deegaanka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cumar Abuukar Abgaaloow.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkii xalay lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada deegaanka kaasi oo magaciisa lagu sheegay Daahir Jeeri, warar lagasoo xigtay dadka deegaanka ayaa sheegaya in xoogaga weerarka fuliyay ay udhaceen guri kuyaal Taabto kadibna ay toogteen mas’uuliyiin.
Dadka deegaanka ayaa layaabay dhiiranaanta xoogaga jihaadiga ah ee weerarka fuliyay waxaana xusid mudan in goobta uu weerarku ka dhacay ay ku dhowday saldhig weyn oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.