Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiintu Alshabaab ay ku qaadeen saldhigyada iyo fariisimaha shisheeyaha iyo kuwa federaalka ee degmada jannaale iyo deegaanka hiilweyn.
Dhanka degmada Jannaale ee wilaayada shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga kufaarta afrikaanta ee degmadaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dhaawacay labo askari oo yugandheys ah kuwaasi oo ay jannaale ka qaaday diyaarad elecobtar ah.
Dhanka deegaanka Hiilweyne ee wilaayada shabeelada dhexe waxey ciidamada mujaahidiintu dagaal ku qaadeen fariisinka iyo isbaarada murtadiinta ee deegaankaas.
Mujaahidiintu waxey weerarkaas ku dileen saddex askari oo federaalka ah waxeyna soo ganiimeysteen labo qori oo AK47 ah, Iyagoona burburiyay goobtii isbaarada aheed.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey aheed markii howlgala ka kala dhacay Buulo mareer,shalambood,qansaxdheere iyo duleedka kismaayo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 10 askari oo murtadiin ah.
Calamada.com