Saacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaan ka tirsan wilaayada shabeelada dhexe ee dhaca koonfurta dalka soomaaliya ka dhacay weerar qorsheysan oo lala beegsaday askar burundeys ah.
Howlgalka oo ahaa qarax waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka buurane ee hoostaga degmada mahadaay ee wilaayada shabeelada dhexe.
Qaraxa ka dhacay buurane ayaa lala beegsaday askarta kufaarta burundi ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka soomaaliya, Waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano ka tirsan shabeelada dhexe.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas baqti iyo dhaawac ku noqday labo askari oo burundeys ah.
Qaraxan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax lala beegsaday fariisinka askarta ridada ee xaafada ceymiska ee muqdisho, Sidoo kale waxaa dagaal toos ah lagu qaaday isbaarada murtadiinta deegaanka yoontooy ee duleedka kismaayo.
Calamada.com