Waxaa sii kordhaya khasaaraha maamul gobaleedka koonfur galbeed lagu gaarsiiyay weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan wilaayada baay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey kamiin u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka ridada koonfur galbeed kuwaasi oo ka baxay degmada buur-hakabo kuna sii jeeday dhanka magaalada Baydhabo.
Weerarkaas dhabba galka ah waxey ciidamada mujaahidiintu ku dileen hal askari oo murtad ah waxeyna ku dhaawaceen labo kale iyagoona sidoo kale ganiimeystay hal gaari oo noocyada raaxada ah.
Saacadihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee jannaale,awdheegle,bariire iyo afmadow ee wilaayaatka Jubbooyinka iyo shabeelada hoose.
Sidoo kale shabaabul mujaahidiin waxey howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen xaafada tarbuunka ee magaalada muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa dowlada federaalka, Waxeyna sidoo kale xalay mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga kufaarta kenya ee deegaanka Hoosingow ee jubbada hoose.
Calamada.com