Taliska booliska dowladda Kenya ayaa faah faahin dheerad ah ka bixiyay weerar is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamadooda lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira.
Dowladda saliibiyadda Kenya waxay xaqiijisay in weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo ay ciidamadeedu kala kulmeen dagaalyahannada Jihaadiga Al Shabaab ee ka halgamaya gudaha NFD.
Kenya waxay sheegtay in wadada loo galay gaari xamuul ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Raamo iyo degmada Mandheera, weerarkaas waxaa ku dhintay sarkaal boolis halka 12 kale ay dhaawacyo soo gaareen sida ay xaqiijiyeen askar ka badbaaday weerarka.
Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in ay arkayeen dagaalyahanno aad u hubaysan oo baacsanaya ciidamada booliska Kenya xilligii uu dagaalka culus ka socday gobolka Mandheera.
Gaariga xamuulka ah ee weerarka tooska ah kala kulmay Al Shabaab ayay saraakiisha boolisku sheegeen in uu daabulay ciidamada ku sugan saldhigga Raamu.
Dowladda Kenya waxay sheegaysaa in weerar kale oo looga dilay sarkaal boolis uu ka dhacay deegaanka Fiino ee isla gobolka Mandheera, Rono Bunei oo ah taliyaha booliska gobolka loo bixiyay waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ay ciidamo xoojin ah udireen deegaannada la weeraray.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgala kala duwan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga kenya lagu gubay labo gaari baqti iyo dhaawacna ay ku noqdeen askar saliibiyiinta kenya.